U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in maleeshiyaad hubeysan ay weerareen ciidamadeeda degmada Wadajir

Oktoobar 11, 2026

Muqdisho – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa cambaareysay weerarro ay sheegtay in maleeshiyaad hubeysan ay ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka ee hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud ee degmada Wadajir, gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ay NISA soo saartay 11-ka Oktoobar 2026 ayay ku sheegtay in maleeshiyaadka weerarrada geystay ay ka amar qaataan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Hay’addu waxay sheegtay in maleeshiyaadku isku dayeen inay ciidamada amniga ku riixaan iska hor-imaad hubeysan, balse ciidamada Ilaalada Shacabka ay muujiyeen feejignaan, kana fogaadeen tallaabo horseedi karta gacan-ka-hadal iyo waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in caddeymaha ay uruurisay ay muujinayaan in maleeshiyaad ku hubeysan qoryaha AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in 24-kii Juun 2026 ay maleeshiyaadku weerar ku qaadeen ciidamada Ilaalada Shacabka, isla markaana ay afduubteen mid ka mid ah askartii gudanaysay waajibaadkeeda. Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in 27-kii Juun isla sannadkaas ay maleeshiyaadku mar kale hor istaageen howlgallada amni ee ciidamada ka wadeen Waaxda General Daa’uud.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sheegtay inay tahay hay’ad amni oo ku shaqeysa sharciga, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed, iyadoo xustay inaysan oggolaan doonin in ciidamadeeda lagu dhex jiido khilaafaadka siyaasadeed.

NISA waxay intaas ku dartay inay ka go’an tahay gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelin kara nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.

Eedeymahan ayaa ku saabsan dhacdooyin ay NISA sheegtay inay ka dhaceen degmada Wadajir, mana jiraan faahfaahin kale oo ku saabsan dhinaca kale oo ku jirta war-saxaafadeedka hay’addu soo saartay.