U bood dhigaalka

Shirweynaha 3aad ee Ururrada Bulshada Bariga Afrika oo Goor dhow ka Furmaya Muqdisho

Oktoobar 12, 2026

Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa inuu goor dhow ka furmo Shirweynaha 3-aad ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Bulshada Bariga Afrika, EACCON 2026, kaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, horumarinta iyo doorka ururrada bulshada rayidka ah ee dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Shirkan ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socda ururrada bulshada rayidka ah ee dalka iyo xubno matalaya ururrada bulshada rayidka ah ee dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka.

Kulanka ayaa fursad u noqon doona ka qaybgalayaasha inay ka wada hadlaan arrimaha horumarinta, iskaashiga gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa doorka bulshada rayidka ah ee ka qayb qaadashada qorshayaasha horumarineed ee Bariga Afrika.

Soomaaliya, oo xubin ka noqotay Ururka Bulshada Bariga Afrika, ayaa shirkan ku martigelinaysa Muqdisho xilli la doonayo in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga dalalka gobolka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo horumarinta wadajirka ah.