Muqdisho, 12 Oktoobar 2026 — Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay si ammaan ah u karantiishay muwaadin Soomaaliyeed oo la xaqiijiyey inuu la soo safray qof u geeriyooday cudurka Ebola.
War-saxaafadeed ay Wasaaraddu soo saartay maanta ayay ku sheegtay in muwaadinka loo gudbiyey Xarunta Karantiilka iyo Daaweynta Cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qiimeynayo xaaladdiisa caafimaad.
Wasaaraddu waxay caddeysay in ilaa hadda aan la xaqiijin in muwaadinkaasi uu qabo cudurka Ebola, iyadoo xustay in tallaabada karantiilku ay qayb ka tahay dadaallada looga hortagayo faafitaanka cudurka iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.
Arrintan ayaa timid xilli Soomaaliya ay xoojisay feejignaanta caafimaad kaddib markii la ogaaday in muwaadiniin Soomaaliyeed ay safarro ku tageen dalal uu ka jiro walaac la xiriira cudurka Ebola.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda, muwaadinka ayaa ka mid ahaa dadka laga baarayay xiriirka ay la yeesheen qof u geeriyooday cudurka, taasoo keentay in la qaado tallaabooyin taxaddar ah.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday bulshada inay muujiyaan feejignaan, ayna ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin ee la xiriira xaaladda cudurka.
Waxay sidoo kale dadweynaha ku wargelisay inay adeegsan karaan khadka degdegga ah ee 995 ama WhatsApp-ka +252 61 022 4623 si ay ula xiriiraan Wasaaradda una helaan xog dheeraad ah.
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in karantiilka muwaadinka uusan ka dhignayn in laga xaqiijiyey cudurka Ebola, balse uu yahay tallaabo taxaddar ah oo lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada.