U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse  Sheegay inuu Kamid ahaa Dadkii ka Badbaaday Qaraxii Soobe

Oktoobar 14, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawaca dad kale oo badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xilliga uu qaraxu dhacay uu ku sugnaa guri ku yaallay agagaarka goobta uu musiibadu ka dhacday, isla markaana uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa oo sababay burbur xooggan.

Wuxuu xusay in gurigii uu ku jiray uu waxyeello weyn ka soo gaartay qaraxa, isaga oo tilmaamay in dhacdadaasi ay ahayd mid si gaar ah u taabatay noloshiisa, maadaama uu ka mid noqday dadkii sida tooska ah u la kulmay musiibadaas.

Qaraxii Soobe ee 14-kii Oktoobar 2017 ayaa ka mid ah qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa taariikhda Soomaaliya, waxaana qaraxa oo ka dhacay isgoyska Soobe uu sababay dhimashada boqolaal qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray dhismayaal iyo gaadiid ku sugnaa agagaarka goobta.

Musiibadaasi ayaa weli xusuus murugo leh ku leh shacabka Soomaaliyeed, waxaana 14-ka Oktoobar loo asteeyay maalin lagu xusuusto dadkii ku naf waayay qaraxa iyo dadkii ku dhaawacmay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay qaraxaasi, inkastoo aysan si rasmi ah u sheegan mas’uuliyadda weerarka.