U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Soo Dhawaysay Jadwalka Doorashada ee uu Soo Saaray Guddiga Doorashooyinku

Oktoobar 16, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay jadwalka ay guddiga doorashooyinku soo saareen ee ku saabsan xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha dalka, iyadoo sheegtay inay bilaabi doonto diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashadaas.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso diyaarinta doorashada, si loo waafajiyo jadwalka la shaaciyay, loona helo waqti ku filan oo loogu diyaar garoobo hannaanka doorashooyinka.

Waxa uu tilmaamay in xukuumaddu ay ka shaqayn doonto sidii doorashada loo hirgelin lahaa, iyadoo la tixgelinayo amniga, diyaar-garowga hay’adaha ay khusayso iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga qayb qaadan lahaayeen geeddi-socodka doorashada.

Saalax Jaamac ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay tallaabooyin ku habboon u qaadi doonto fulinta jadwalka doorashada, isla markaana ay arrinta kala tashan doonto dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed, si loo helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qabashada doorashadu ay u baahan tahay dadaal iyo isku-duwid hay’adeed, maadaama waqtiga loo qorsheeyay diyaar-garowga uu kooban yahay. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay fulinta jadwalka ay soo saareen guddiga doorashooyinku.

Dhanka kale, guddiga doorashooyinka qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa la sheegay inay shaaciyeen xilliga la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taas oo lagu tilmaamay inay ku dhici doonto nidaamka qof iyo cod.

Hirgelinta doorashada ayaa  u baahan wada-shaqayn dhex marta dowladda, guddiga doorashooyinka, dhinacyada siyaasadda iyo bulshada, si loo xaqiijiyo diyaar-garowga amni iyo mid farsamo ee doorashada.