U bood dhigaalka

OIC oo Mar Kale Xaqiijisay Taageerada Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya

Oktoobar 17, 2026

BAGDAAD (Goobjoog News) — Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada uu u hayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Taageeradan ayaa lagu muujiyey kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Ismaaciil Ould Sheekh Axmed, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Kulanka ayaa qabsoomay intii ay socdeen hawlaha kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo ururka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.

Xoghayaha Guud ee OIC ayaa kulanka ku xaqiijiyey mowqifka ururka ee taageerada midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taas oo muujinaysa sii socoshada taageerada ururka ee ilaalinta midnimada dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa bogaadiyey doorka OIC ee xoojinta midnimada iyo wadajirka dalalka Islaamka, isaga oo adkeeyey muhiimadda uu leeyahay iskaashiga Soomaaliya iyo ururka.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay ku mideysan yihiin dalal badan oo Muslimiin ah ayaa Soomaaliya kala shaqeeya arrimo la xiriira iskaashiga siyaasadeed, diblomaasiyadda iyo danaha guud ee dalalka xubnaha ka ah.