Sarreeye Guud Daahir Aadan Cilmi, oo loo yaqaanno Indhaqarshe, waa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo laba jeer soo noqday taliyaha ciidanka.
Wuxuu leeyahay waayo-aragnimo milatari oo dheer, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo la xiriira hoggaaminta, tababarka iyo hawlgallada ciidamada.
Daahir Aadan Cilmi ayaa la sheegay inuu ku dhashay sannadkii 1948-kii, wuxuuna waxbarashadiisa hoose ku qaatay magaalada Buulo Burte, halka waxbarashada dhexe uu ku qaatay Jowhar.
Dugsiga sare wuxuu ka baxay Dugsiga Banaadir ee Muqdisho, waxaana warbixinnada taariikh-nololeedkiisa qaarkood ay sheegayaan inuu waxbarasho jaamacadeed ku qaatay Jaamacadda Massachusetts Boston ee dalka Mareykanka.
Wuxuu ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sannadkii 1968-kii, isaga oo markii dambe tababarro milatari ku qaatay magaalada Odessa ee Midowgii Soofiyeeti, iyo meelo kale oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Mareykanka.
Mudadii uu ku jiray ciidanka, wuxuu ka soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ka tirsan ciidamada, isaga oo qabtay xilal la xiriira hoggaaminta iyo abaabulka cutubyada milatari.
Indhaqarshe wuxuu sidoo kale ka mid ahaa saraakiishii ka qayb qaatay dagaalkii 1977-kii ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warbixinnada laga qoray taariikhdiisa ayaa sheegaya inuu hoggaaminayay cutubyo gaashaaman oo ka hawlgalay furimaha dagaalka, gaar ahaan agagaarka Qabri-daharre.
,Waxaana lagu maamuusay billad la xiriirta geesinnimada iyo adeegga milatari.
Markii ugu horreysay, Daahir Aadan Cilmi waxaa loo magacaabay taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed bishii Maarso 2013-kii, xilkaas oo uu hayay ilaa 2015-kii.
Saddex sano kaddib, madaxweynihii xilligaas, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 16-kii Agoosto 2018 mar kale u magacaabay taliyaha ciidanka, isagoo xilka kala wareegay Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).
Sannadkii 2019-kii ayuu xilka kala wareegay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayadoo
Labadii jeer ee uu hoggaaminayay Ciidanka Xoogga Dalka, Indhaqarshe uu ka mid ahaa saraakiishii sare ee loo igmaday maamulka iyo hoggaaminta ciidamada xilli Soomaaliya ay dagaal kula jirtay kooxaha hubeysan, isla markaana ay socdeen dadaallo lagu dhisayo laguna tayeynayo hay’adaha amniga dalka.
Xogaha ku saabsan taariikhdiisa ayaa sidoo kale xusaya inuu ka soo shaqeeyay arrimo la xiriira tababarka ciidamada iyo horumarinta awoodda hay’adaha milatari.
Waayo-aragnimadiisa dheer iyo xilalkii uu soo qabtay ayaa ka dhigay mid ka mid ah saraakiisha milatari ee magac ku leh taariikhda dhow ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana madaxweyne Xasan Shiikh uu saacado ka hor u dallacsiiyay Sarreeye Guud.
Sarreeye Guud Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa leh taariikh milatari oo soo taxnayd tobannaan sano, laga soo bilaabo ku biiristiisii ciidanka sannadkii 1968-kii, ka qaybqaadashadii dagaalkii 1977-kii, ilaa labadii jeer ee uu noqday taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.