U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka Hirshabeelle

Oktoobar 19, 2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashooyinka hoggaanka iyo guddonnada dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo hawlaha doorashadu ay bilaabanayaan 19-ka Oktoobar 2026.

Sida ku cad jadwalka la shaaciyay, 19-ka iyo 20-ka Oktoobar waxaa la qabanayaa doorashooyinka guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, halka 21-ka Oktoobar la qabanayo qabadashada araajida musharraxiinta guddoonka iyo ku-xigeennada. 22-ka Oktoobar ayaa loo qorsheeyay hadal-jeedinta iyo musharraxnimada doorashada guddoonka Golaha Wakiillada.

Dhanka kale, jadwalka doorashooyinka hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa dhigaya in 23-ka Oktoobar la qabanayo qabadashada araajida musharraxiinta hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa, halka 24-ka Oktoobar ay dhici doonto hadal-jeedinta iyo doorashada hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa.

Guddiga ayaa jadwalkan u soo bandhigay qayb ka mid ah diyaar-garowga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle, iyadoo la sugayo in hawlaha loo qabto sida ku cad jadwalka rasmiga ah ee la shaaciyay