Muqdisho (Goobjoog News) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska musharraxiinta u tartamaya xilalka Guddoomiyaha iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray 17-ka Oktoobar 2026 ayaa lagu sheegay in musharraxiinta loo kala saaray saddex xil, kuwaas oo kala ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labada ku-xigeen.
Labada musharrax ee u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug ayaa kala ah Ismaaciil Cabdi Jimcaale Calasow oo ka socda urur-siyaasadeedka Sincad iyo Xuseen Maxamed Nuur Maxamed oo ka socda urur-siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Axmed Cali Guuri oo ka socda urur-siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka ayaa ku tartamaya xilka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, halka Mursal Cabdi Aadan Cilmi oo isla ururkaas ka socda uu u taagan yahay xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhammaan xubnaha Golaha Wakiillada, musharraxiinta, warbaahinta iyo bulshada ku wargeliyay in doorashada loo qaban doono si waafaqsan jadwalka, habraacyada iyo xeerarka lagu maamulayo doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug.
Shaacinta liiska musharraxiinta ayaa ah tallaabo ka mid ah hannaanka doorashada hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug.