U bood dhigaalka
Sheeko:War

 

Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire oo wareysi gaar ah maanta siiyay Goobjoog News, ayaa ka hadlay xilkii uu ka degay iyo sidoo kale halka laga soo abaabulay mooshinkii isaga laga keenay.

Waxa uu sheegay in mooshinkii 40-ka xildhibaan ka keeneen uu ahaa mid sharci darro ah, islamarkaana kaalin ay ku lahayd dowladda Federaalka oo Muqdisho laga soo abaabulay.

Sidoo kale madaxda Puntland ayuu sheegay in kaalin ay ka qaateen Mooshinkaasi, laguna bixiyay lacag aad u badan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Arrinta ugu weyn ee mooshinkaan looga keenay ayuu sheegay inay u weyntahay khilaafkii hore ee u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda Federaalka iyo sidoo kale kaalinta uu isaga ka taagnaa.

“Mooshinkaan Kumanaan doolar ayaa ku baxay, dowladda Federaalka iyo madaxda Puntland ayaa kaalin ka qaadatay, Mooshinkaasi waxa uu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn, laakiinse aniga waxaan ahay muwaadin dadkiisa jecel, xildhibaanada lacag baa loo qeybiyay, waxaa laga keenay Xamar, loomana kala harin, balse kursiga iyo aniga, anigaa fudud waana ka tagay shaqadii” ayuu yiri Shire.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in qodobada mooshinka isaga laga keenay ay ahaayeen kuwo halis ah, qofka waxaas sameeyana aanu ahayn qof dadka lagu sii deyn karo misane xabsi mudan, balse uu la yaaban yahay in eedeyntii oo dhan hadane ay been noqotay.

“Aniga banaanka ayaan joogaa maa xabsiga la I geeyo hadii aan waxa mooshinkii la’iga keenay aan sameeyay, waayo awood maroosri, qiyaano, dhaqaale lunsasho intaas baa la’igu soo eedeeyay” ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Puntland.

28-kii bishaan October waxaa xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka tagay Saciid Xasan Shire, ka dib markii uu arkay in xildhibaanno ka badan 40 ay ka keeneen mooshin isaga looga soo horjeedo.

Goobjoog News