U bood dhigaalka

Abiy Ahmed: Waxaa Xirmay Albaabkii Nabadda

Sheeko:Amniga

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in fariinta ay dawladiisu u dirtay dadka Tigray ay ahayd mid cad oo ahaa in laga fogaado qalalaaso iyo dirir.

Abiy Axmed oo arrintan ka hadlayey ayaa yiri“ Waxaa xabadda u joojinay in laga  fogaado isku dhaca, si taas loo gaarana aan go’aannay  inay xabada joojiso sababo bani’aadanimo awgood”.

Fariin uu soo dhigay barihiisa bulshada ayuu Abiy  ku sharaxay in mabaadi’da uu qaatay ay ka mid ahaayen in muwaadiniinta loo ogolaado inay ka faa’iideystaan ​​xilliga beerashada iyo in la gaarsiiyo gargaar, isagoo intaa ku daray in tani ay dhacday iyadoo dowladda ay ka warqabto in nabadda “ay wax badan ku weyn doonto.”

Wuxuu intaa ku daray in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay ee arrinta si nabad ah lagu xalliyo, maadaama  dhinaca kale oo ula jeedo TPLF ay ku doorbidayso dhanka gacan ka hadalka, isagoo ku eedeeyay in ay carruurta iyo dhalinyarada u horseedeen adeegsiga daroogada, sidaas darteedna ciidamada difaaca Itoobiya uu saaranyahay waajib damiiri ah oo ay ku badbaadinayaan dalka.

Abiy ayaa arrinkaas ka yiri “Wixii aan la rabnay ma mira dhalin. Golahan militari(TDF) wuxuu cadeystay inuu yahay cadowga ugu weyn ee Itoobiya, waana u midoobi doonnaa oo waan kala furfuri doonnaa iyadoo loo daneynayo dhamaan dadkeena,” isagoo xusay in gacana ku fududeyneyaan gargaarka bani’aadamnimada, dhanka kalena ay ka hortagi doonaan weerarka cadowga dibadda iyo kan gudaha.

Qeyladhaanta Abiy Axmed ayaa kusoo aadeysa xilli Itoobiya ay cagaha la gashay colaad ba’an oo muddo 9 bilood ka socotay waqooyiga dalkaasi, xilli mudooyinkii dambe ay TPLF sheegtay in ay dib u qabsatay inta badan gobolka Tigreyga iyadoo cagta marisay fariisimihii ciidamada faderaalka iyo kuwa Amxaarada.

Goobjoog News