U bood dhigaalka

Akhriso; Qodobada ay Ka Wadahadleen Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Dhiggiisa Taliyaaniga

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga Gen, Giuseppe Cavo Dragone oo Booqasho ku jooga Soomaaliya.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliyaha Ciidanka XDS iyo dhigiisa Dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee labada ciidan ee dhanka tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Giuseppe Cavo Dragone Taliyaha Ciidanka Milateriga Talyaaniga ayaa sheegay in Dowladda Italy ay kaalin buuxda ka qaadan doonto tababarada iyo dhismaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa kaga mahad-caliyay dhigiisa dalka Talyaaniga Booqashada uu ku yimid dalka Soomaaliya, waxuuna ku tilmaamay kaalin aan la hilmaami karin garab istaaga dhanka Ciidan iyo tan Bulshada oo ay ka wadaan Soomaaliya.