U bood dhigaalka

Sarkaal Ka Tirsan Duulista Rayidka oo Guriisa Laga Helay Meydkiisa

Sheeko:Amniga

Alle ha u naxariisto Cabdinaasir Muuse oo ka tirsanaa Shaqaalaha ICAO ee Garoonka Muqdisho oo goordhaweyd qolkiisii isagoo mayd ah loogu tagay. Wararka qaar ayaa sheegaayo, inuu qoorta uga xirnaa xarig u muuqday in lagu ceejiyay.

Waxaa socda hada baaritaan ay wadaan laamaha amaanka gaar ahaan CID-da, waxii faahfaahin ah waxaa la ogaan doonaa baaritaanka kadib, marxuumnka ayaa muddooyinkaan dambe ka tirsaanaa hey’adda duulista rayidka lamana oga sababta loo dilay.

Muqdisho maalmaan waxaa ka dhacay dilalka nuucaan oo kale oo bulshada dhexdeeda ah, ciidanka ayaa qatay tiro dad ah kuwaas oo ku eedeysan dilal ay u geysteen shakhsiyaad kale, kuwaas oo dhowaan cadaallada la horgeyn doono.