U bood dhigaalka

Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)

Sheeko:War

Magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug waxaa lagu doortay senator-kii ugu horeeyay ee Soomaaliya, tilaabadan ayaa qeyb ka ah doorashada aqalka sare ee 2016-ka.

Abshir Maxamed Axmed waxaa uu helay 48 cod halka labada la tartameysay ay kala heleen Axmed Cabdi Kaahiye 23 cod iyo Kamaal Daahir Xasan 16 cod.

Mr. Bukhaari, waxaa noqday senator-kii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya tan iyo markii xuriyadda la qaatay 1960-kii, waxaa uu ka mid noqonayaa xubnaha 54-ta ah ee ka tirsan aqalka sare.

Axmed waa si fiican u yaqaano qeybo badan oo bulshada ka tirsan, waxaa lagu bartay siyaasadda, Saxaafadda, waxbarashada, hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada iyo qeybo kale.

Abshir (Bukhaari), waxaa shakhsi khibrad badan leh, wax badan ka yaqaano siyaasadda Soomaaliya, xiliyadii dambe goobaha uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah:

BBC Monitoring

Hey’adda CRD

UN HABITAT

Telefishanka Caanka ah ee Al-Jazeera Network

Agaasime Madaxtooyada Soomaaliya

Maamulaha iyo Milkiilaha Goobjoog Media Group

Aasaasaha Baarlamaanka Barbaarta oo ka kooban tiro la mid ah tirada Xildhibaanada federaalka oo 30% ay gabdho yihiin.

Abshir Bukhaari, waxaa uu wax badan ka qabtay arrimaha banii’aadamnida, waxaa kaloo uu lahaa goobo waxbarasho oo lagu daryeelo caruurta, dadka dan yarta ah iyo xitaa caruurta dadka laga tirada badan yahay.

Kursigan Abshir loo doortay waxaa uu ka mid yahay illaa 8 kursi oo maamulka Galmudug ay ku yeelan doonaan aqalka sare ee Soomaaliya.