U bood dhigaalka

Abwaan Cabdikariim Jiir Oo Goobjoog Uga Warramay Taariikhda Allaha u naxariistee Cabdi Tahliil

Sheeko:Dalka

Waxaan habeenkii Khamiista aheyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame.

Al-fannaan  Cabdi Tahiil ayaa u geeriyooday xanuun sanado badan hayey, dal iyo dibadna lagula tacaalay, waxaana ku dhintay da’da 68 jirka.

Haddaba, abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir ayaa Cabdi Caziz Gurbiye  uga warramay taariikh faneedka fannaan Cabdi Tahliil isaga oo sheegay inuu heesaha ku soo biiray 1964-tii.

Abwaan Jiir waxaa uu sheegay in Cabdi Tahliil oo ku dhashay Wardheer oo ku jirta gacanta Itoobiya uu marka uu halkan yimid in muddo ah ka heesi jiray baararka iyo goobaha dadka isugu tagaan ilaa markii dambe uu hees u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waa heestii Onkod.

Mar sii horeysay  isla abwaan Axmed Saleebaan Bidde ayaa Goobjoog New uga sheekeeyey qaabka uu Cabdi Tahiil ugu dhiibay heeska Onkod ee uu kusoo caanbaxay.

Abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir oo taariikh faneedka Cabdi Tahiil sii wado ayaa intaas ku daray in 1974-tii uu Cabdi Tahliil ka soo waday gobolka Berri uu u shaqeynayey dowladda hoose, kuna daray fannaaniin tartan ugu baxeysay dalka Nigeria, markii uu soo noqdana uu ku biiray ururka dhalinyarada iyo hobollada Waaberi.

Abwaan Jiir mar uu ka hadlayey fanka Cabdi Tahiil waxaa uu yiri “ Waxaa uu ahaa fannaan cod macaan, caalami ah, codkiisa kusoo baxay, cod nadfiif ah lahaa, oo la jecel yahay”.

Ugu dambeyntii, Abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey  waxaa uu sifeeyey dabeecadda Al-fanaan Cabdi Tahliil isaga oo yiri “ Cabdi Tahliil waxaa uu ahaa fannaan dabeecad wanaagsan, oo dadkoo dhan jecel yihiin, ilaahey ha u naxariisto”.

Allaha u naxariistee Cabdi Tahliil waxaa uu lahaa cod macaan, waxaana lagu yaqaanay hees caan ah oo ay ka mid yihiin “Sida Faras Bulaalo”, “Jacayl Aayatiin Leh” iyo qaar kale, saaka ayaa lagu aasay caasimadda.

Goobjoog News