U bood dhigaalka

Ahlu Sunna: DFS Waxay Galmudug Ku Abuuraysaa Al Shabaab iyo Daacish

Sheeko:Dalka

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxda ururka Ahlu sunna ayaa waxa eedeyn kulul loogu jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya waxaana Ahlu sunna ay sheegtay in dowladda ay doonayso inay Galmudug ku abuurto kooxaha Al shabaab iyo Daacish sida ay hadalka u dhigeen.

“DFS waxay xoogga saartay inay burburiso heeshiiskaas taariikhiga ahaa ayna meesha ka saarto ASWJ si ay ugu abuurto kooxaha xagjirka ah sida Al shabaab iyo Daacish ayna ka dhisto maamul aan loo dhamayn kana turjumayn labadii maamul ee midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxaya madaxda Ahlu sunna.

Sidoo kale Ahlu sunna waxa ay ka dhawaajisay inaysan qeyb ka ahyn maamulka Galmudug ee dowladda Soomaaliya ay ka dhistay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi.

Ahulu sunna ayaa waxaa looga adkaaday siyaadda Galmudug waxaana ay iyagu naf ahaantooda sheegen inay ka tanaasuleen siyaasadda Galmudug balse wixii ka dambeeyay markii ay isaga baxeen deegaannadaasi waxaa jiray waqrqado dhowr ah oo ay uga hadlayeen maamulka uu hoggaamiyo Axmed Qoorqoor.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen Ahlu sunna

Goobjoog News