U bood dhigaalka

Ajendaha Safarka Obama ee dalka Itoobiya

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa ku sugan dalka Itoobiya, waa lugtii labaad safar uu ku marayo geeska Afrika.

Obama inta kuu  joogo dalka Itoobiya, waxaa lagu wadaa in uu wada hadal la galo Madaxda dalka Itoobiya, waxaa uu sidoo kale arinta Koofurta Suudaan kala hadli doono Madaxda gobolka isagoo la kulmi doona Madaxda Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Wasiirka arimaha dibadda Suudaan.

Madaxweyne Obama waa Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykanka ah oo booqda dalkaasi isagoo madaxweyne ah.

Madaxweynaha Obama ayaa lagu wadaa in Madaxda Midowga dalalka 54-dal oo Afrikaan ah uu ugu khudbeeyo xarunta Midowga Afrika ee Adis Ababa.

Obama ayaa labadii maalmood ee uu Kenya ku sugnaa waxaa uu kala hadlay Madaxda dalkaasi arimaha dhaqaalaha, amaanka, Xuquuqul Insaanka iyo Musuqa.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa’s international airport  ku soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya  Hailemariam Desalegn.

Itoobiya waxaa ay dalka Mareykanka ka heshaa dhaqaale xoogan arintaas oo ku aadan la dagaalanka Islaamiyiinta Soomaaliya, Itoobiya waxaa ay Ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.

Human Rights Watch  ayaa Obama ka dalbatay in uu dalka Itoobiya kala hadlo arimaha Xuquuqul Insaanka, iyadoo ka sheegatay in dalkaasii uu ka jiro meel ka dhac xagga xuquuqul insaanka ah.

Dhinaca Dimoqoraadiyadda, Xisbiga Talada haya ee dalkaasi Itoobiya  EPRDF iyo Xuluafadooda ayaa ku guuleystay dhamaan kuraastii dalkaasi doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii May.