U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka Ee Maka

Sheeko:Dalka

Waxaa berri oo jimco ah, 31-da bishan  May lagu wadaa in magaalada barakeysan ee Maka lagu qabto shirka madaxdeedka caadiga ee 14-aad ee ururka iskaashiga Islaamka.

Shirkan oo loogu magac daray “Aan u midowno Mustaqbalka”, waxaa ku baaqay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdi Casiis, iyada oo lagu wado in looga hadlo in la midoobo, xal loo helo arrinta Khaliijka, Falastiin iyo Kashmiir.

Waxaa kale oo shirka looga hadli-doonaa “heshiiska qarniga” ee ay soo jeediyeen Mareykanka, taasi oo xal looga gaarayo loolanka Falastiin iyo Israel.

Ururka iskaashiga Islaamka, oo ay ku jiraan 57 dal,  waxaa uu jiraa 50 sano, waa midka 2aad ee ugu weyn caalamka Qaramada midoobey kadib, waxaa ayna kulmaan 3-dii sanaba mar.

Goobjoog News