Akhriso:- Bayaanka Ka soo baxay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

Waxaa Muqdisho talaadadii lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ku saabasanaa (Kaalinta Culimada Ee adkaynta Amniga & Dhab-U-Heshiinta Dalka).
Halkan Ka Akhriso, Bayaankii Ka Soo Baxay?
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxa ay si weyn ugu faraxsan tahay in si habsami leh uu ugu qabsoomay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ku saabasanaa (Kaalinta Culimada Ee adkaynta Amniga & Dhab-U-Heshiinta Dalka)
“دور العلماء في مسيرة الأمن والمصالحة في الصومال”
Shirweynahaan waa kii 2-aad ee noociisa ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, intii u dhaxeysay 21 – 23 ka April 2019.
Wasaaraddu waxa ay bogaadinaysaa kasoo qayb galka dhammaan Culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobollada dalka iyo dibeddiisaba si ay kaalintooda uga qaataan adkaynta ammaanka iyo Dhab-u-heshiinta dalka,
Wasaaraddu waxaa kale oo ay u mahad celinaysaa xarunta ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka ee Rabshadaha Wata – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Shirweynahaan ka socday muddoda seddexda maalmood ah magaalada Muqdisho, waxaa ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran:
1- Waxaa la isku raacay in Shirweynaha culimada Soomaaliyeed uu noqdo shir sanadle ah.
2- Waxay Culimadu isku raacsan yihiin in Soomaliya ay tahay Dal Muslim ah, Sunni ah, mad-habkeeda Fiqhiga ahina yahay mad-habka shaaficiga.
3- Waxay Culimada Soomaaliyeed isku raaceen in shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdiisuba ay yihiin dad Muslimiin ah, sidaa daraaddeed kooxaha bannaystay gaalaysiinta iyo dilkoodaba ay yihiin kuwa baal marsan Diinta Islaamka, waajibna ay tahay in meel looga soo wada jeesto.
4- Waxay sidoo kale culimadu isku raaceen in ay xaaraam tahay in la maal-geliyo, la taageero, gabbaad lasiiyo ama la gacan-siiyo ururrada/kooxaha xagjirka ah ee hubaysan.
5-Waxaan ugu baaqaynaa Kooxaha aaminsan caqiidada gaalaysiinta dadka muslimiinta ah in ay Allah u towbad keenaan joojiyaanna gaaleysiinta ummada Soomaaliyeed.
6-Culimadu ayagoo gudanaya dawrkooda diiniga ah waxa ay dardar galin doonaan in ay kala shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed ka hortagga iyo daweynta xagjirnimada.
7- Shirweynaha Culimada waxaa uu adkeynayaa in la hirgaliyo qorshaha Dhab u heshiinta umadda Soomaaliyeed iyo in laga shaqeeyo siyaasadeed dhab u heshiisiin oo hirgasha.
8-Waxaan adkaynayaa in si deg deg ah loo ansixiyo Xeerka Dhismaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Soomaaliya, lana dhiso Golaha Sare ee Arrimah Islaamka si culumada soomaaliyeed u gutaan kaalintooda sida ugu habboon;
9- Waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimada iyo dhaxalka sooyaalka diimeed ee ummadda soomaliyeed ay leedahay.
10-Waa in si deg deg ah loo dhameystiro dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si nidaam garsoor oo huffan loo helo;
11- Waxaan ku baaqaynaa in la xoojiyo wadajirka iyo midnimada Culimada Soomaaliyeed ayna meel ugasoo wada jeestaan wacyigelinta bulshada ee ku aadan baal marsanaanta dinnta ee kooxaha dhiiga ummadda banaystay.
12- Waxaan adkaynaynaa in Wasaaradda awqaafta iyo Arrimaha Diinta & Culimada Soomaliyeed ay hubiyaan xeerarka iyo Dastuurka Dalka, si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta shareecada Islaamka.
13- Culimadu waxay ku baaqayaan in la adkeeyo ilaalinta anshaxa & aadaabta islaamka iyo ka foogaanshaha wararka been abuurka ah ee bulshada lagu marin habaabinayo.
14- Waxaan sidoo kale si cod dheer ah ugu baaqaynaa in la dhiso hay’adda wanaag-faridda iyo xumaan reebista.
15- Culimadu waxay adkaynayaan n la xoojiyo kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan Horumarinta Bulshada, nabadeynta iyo barbaarinta
16- Culimada Soomaaliyeed waxay ugu baaqayaan beelaha Soomaliyeed ee iska hor imaadyadu ka jira in ay joojiyaan colaadaha iyo dhiigga walaal ee ay sida xaqdarrada ah isaga daadinayaan.
17-Waxay culimada soomaaliyeed ugu baaqayaan madaxda dawlad gobolleedyada dalka in ay ka fogaadaan khilaafaadka dib u dhac ku samayn kara, ilaaliyaan midnimada dalka iyo dadka, ismaandhaafka siyaasiga ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal, is aqbalaad iyo isu tanaasul.
18- Waxay Culimadu soo dhawaynayaan dadaallada wacyigalineed ee ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada ee ay wadaan ha’adaha dawladda.
19- Culumadu waxay ugu baaqayaan Dowladda in ay dedejiso meel marinta hindise sharciyeedka la dagaalanka xagjirnimada iyadoo lagala tashanayo culumada.
20- Waxaan ku baaqaynaa in la meelmariyo baaqii, fatwadii iyo dardaarannadii kasoo baxay shirkii kan ka horreeyay ee magaalada Muqdisho lagu qabtay sanadkii 2013.
21- Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa tawbad keen iyo Alle u laabasho loo dhan yahay iyo in la sameeyo roob-doon dalka oo dhan ah.
Waxaan Allaah weydiisanaynaa in uu ummadda Soomaaliyeed siiyo Nabad waarta iyo Nolol wanaagsan.
Goobjoog News
Hpcszh oxkcsg Best price for cialis cialis 5mg
Delfrr gomihn is there a generic cialis when will generic cialis be available
Iihsqa ndbmwl order generic viagra online cialis over the counter
Mtdrrn peqrtg Cialis discount online pharmacy
Bddpuh yhckzb pharmacy online Vfbnw
Zeiadb klofou buy viagra maine
Zpicxv uulptc
free cialis buy viagra us
Kfxlwo bqxftd
https://tadaldos.com/ mail order prescription drugs from canada
Squcxq uzrtmg
https://saleciatad.com/ canadian pharmacy online
Nhejnq yflzfs
viagra from canadian pharmacy cialis for order
Leojrr wzvzmf minocycline capsules Idmjg
Fmtosb idkwsg cialis france Uqocd
Qsrffw aecsfv cialis delivery Fcusz
Umfcba txhpix buy tadalafil online canada Myqmt
Vcketq emxhys wind creek casino online play Qzlnb
Wpndhg rtmbqm cialis canada paypal Lybbm
Puoezq bzuzoi tadalafil 2.5 mg tablets in india Bjmww
Xgrgkf fgamqy levitra vs viagra Ebxkf
pharmacy rx pharmacy express us online pharmacy
Gpdtxz qlowvg best price usa tadalafil Ogxxo
Siwmqe imtptm buy cialis 2.5 mg online Apnyu
peoples pharmacy best online pharmacy best drugstore makeup
rx express pharmacy best canadian online pharmacy dollar store drug test
Ijwrpx qwzwae buy cialis over the counter usa Esvqg
discount pharmacy card pharmacy rx world pharm
pharmacy rx one best drugstore bronzer mens ed pills