U bood dhigaalka

Akhriso: Dastuurka Itoobiya iyo Qodob Meel Uga Dhacaya Qaranimmada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Inkasta oo baarlamaanka deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ansixiyay September 7, 2018 in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta 5-ta Soomaaliyeed iyo in magaca deegaanka laga dhigo “Somali Regional State” halkii ay ka aheyd dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya hadana dastuurka Itoobiya ee federaalka ah waxaa ku qoran magac ka duwan ‘Midkii ahaa DDSI ama xataa midka cusub ee Somali Regional State”.

Sida ku qoran dastuurka federaalka ah ee Itoobiya, qodobkiisa 47-aad, dowlad goboleedyada ay ka kooban tahay federaalka ah Itoobiya waxaa ku jira “State of Somalia”, hade ma aha “State of Somali” ama “Somali Regional State”, arrintan oo aan lagu baraarugsaneyn waxaa ay meel ka dhac ku tahay qarannimada Soomaaliya.

Sida aan ognahay Soomaaliya waxaa dal xor ah, Google ama meel walbo oo qoraal la dhigo dalkeenna ayaa looga yaqaan “State of Somalia” halka dadkaasi Itoobiya deggan ay yihiin dad Soomaali ah, marka in si ula kac ah uga dhigaan Soomaaliya waxaa ay ku tusineysaa damaca Itoobiya.

Dastuurkan uu ku qoran yahay “State of Somalia”, waxaa la ansixiyey 1995-tii kolkaas oo Soomaaliya aaney ka jirin dowlad, qowmiyadaha Itoobiya dego wey ka mid tahay Somali, laakin waxaa la fahmi la’yahay sababta ay u adeegsadeen eragyga “Somalia” oo ah dal dhan oo caalamka laga aqoonsan yahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in si shakhsiyaad ah ay marar badan kala hadleen Adis Ababa in dastuurka Itoobiya wax laga badalo, gaar ahaan eragyga “Somalia”, arrintaas oo aan dheg jalaq loo siin.

Dowladda federaalka ah Soomaaliya weli arrinkan si rasmi ah ugalama hadlin Itoobiya, mana muujin caro, taasi oo dib u dhigi karta in wax laga badalo qodobka 47-aad ee dastuurka oo Itoobiya ee dhigaya in “State of Somalia” ay qeyb ka tahay dalkeeda.

Damaca Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya waxaa uu jiraa in ka badan 500 oo sano, laakin waxaa muuqa iney qaab dastuuri ah u soo siqeyso.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News