U bood dhigaalka

Akhriso: Fadhigii Baarlamaanka Maanta Oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Amniga

Waxaa dib loo dhigay kulankii maanta ay lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

 

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayay in uu furmo kalfadhi ay yeelanayaan xildhibaanada Baarlamaanka, Kaas oo uu Ajendahiisu ahaa ka hadalka Xaaladda Covid-19.

 

Dib u dhigidda kulanka ayaa timid kadib markii Xildhibaano uu gudoomiyaha baarlamaanka uu ka mamnuucay in ay soo xaadiraan Fadhiyada Baarlamaanka ay sheegen in ay tagi doonan kulanka Isniinta .

Xildhibaanada ayaa loo diray Fariin ah in maanta uu baaqday kulanka , kaas oo dib loogu dhigay Arbacada oo ay taarikhda Tahay 31 March .

Hoos Ka AKhriso Fariinta Xildhibaanada Baarlamaanka Loo Diray 

M.ne Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March.