U bood dhigaalka

Akhriso: Falcelin Rajo Xummo Ah oo Madax Badani Ka Bixiyeen Khudbaddii Farmaajo ee Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin badan oo heer dowlad goboleed, heer axsaab ama aqoonyahan intaba waa ka falceliyeen khubaddii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka jeediyey golaha shacabka iyaga oo ka muujiyey niyad jab, waxaa ayna shaki weyn geliyeen natiijada uu Farmaajo kala soo noqon doono Dhuusamareeb 3

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday mas’uulkii ugu dambeeyey ee kahor yimid qaabka uu wax u wado madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo sheegay inuusan daacad ka aheyn in heshiis lagu gaaro Dhuusamareeb.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa ayuu Sheekh Shariif ku yiri “ Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Shariif oo sii hadlaya “Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.

Isaga ka digay “Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan. Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shir jaraa’id qabtay axadii kadib safar uu uga yimid Djibouti ayaa yiri “Khudabadda madaxweynaha uu shalay akhriyey uu ku bayaaniyey hadallo badan iyadana waxaa ay u baahantahay in si taxadar leh loo eego. Dabcan innaga waxaan aaminsaneyn in marxaladihii hey’adaha sharcigu ay gabaabsi yihiin, waddadii saxda aheyd ee sharciga aheydna la gaari waayey qof iyo cod Puntland ma diidana, qof Soomaali ahna ma diidi karo, maxaa yeelay dastuurka ayey ku qorantahay,laakin waxaa qof walba qiraayey muddo xileedka harsan iyo baahida loo qabo in qof iyo cod la gaaro in gaaro, taana waxaa cadeeyey guddoomiyihii doorashada oo si cad u sheegtay in muddada harsan aysan ku qaban karin, haddii wadada sharciga ay xiranto waxaa dabiici ah oo soo jireen ilaa 2000 in xal siyaasadeed la aado”.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlay khudabaddii Farmaajo ee golaha shacabka ayaa waxaa uu sheegay in aaney suurogal aheyn inuu ku celiyo wixii Dhuusamareeb lagu heshiiyo waxaa uuna yiri “Madaxweyne Farmajo wuxuu Golaha shacabka ka horsheegay inuu wixii Dhuusamareeb lagu gaaro uu iyaga kusoo celinayo oo ay ereyga ugu dameeya ee doorashada iyagu leeyihiin. Tani marna maaha inay suurtogasho. “Wixii Dhuusamareeb lagu gaaro waa inay ku ekaadaan Dhuusamareeb.” Heshiis siyaasadeed boos ugama bannaana gole shacab oo waqtigoodii dhacay. Doorasho dadban oo heshiis lagu yahay keli ah ayaa maanta suurtogal ah. Golaha shacabku dib ha ugu noqdaan goboladooda oo kalsooni cusub ha weydiistaan”.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna khudbadda Farmaajo ka yiri “Farmaajo shirka Dhuusmarreeb inta uusan furmin ayuu irdaha u soo xiray, cid walbana way ogtahay in Golaha Shacabka uusan yeeli doonin waxaan muddo kororsi ahayn. Haddaba sida keli ah ee heshiis looga gaari karo doorasho la isla ogol yahay, xiligeedana ku dhacda, waa in la helo Xukuumad la aamino iyo dammaanad qaad caalami ah oo la isku haleyn karo”.

Goobjoog News