U bood dhigaalka

Akhriso: Halganka Dheer ee Tigrayga ee 300-kii Sano ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Amniga

Dagaalka xukuumadda Abiy Axmed iyo Tigeyga, oo hadda maamulka Adis Ababa talada u yaabo, dalkana kusoo rogay xaalad degdeg ah, oo la leeyahay “Ma beri ayuu dhici doonaa mise maalinta xigta”,  waxaa uu bilowday 4-tii November 2020, muddadaas sanadka ah ee uu dagaalka socday waxaa lagu dilay kumannaan dad ah iyada oo la sheegayo in half milyan ay barakaceen.

Dagaalka uu labada dhinac isku eedeeyeen adeegsiga ciidamo ajnabi ah, waxaa ku gacan sareeya the Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ka kooban afar urur kuwaas oo dalkaas qabsaday, xukuumadna dhisay 1991-dii.

TPLF waxaa la aasaasay 1975, kooxdan oo aheyd ardeyda Tigrayga ee Jaamacadaha Adis Ababa waxaa ay ka kaceen dhibkii boqortooyadii, iyada oo Tigreyga ay horay dagaal ula galeen boqorkii Amxaarada ee Haile Selassie 1943-dii, laakin waa uu soo afjaray isla markiiba ilaa ay dib usoo laabteen sideetamayadii qarnigii tagay, kuna guuleysteen in ay xukunka ka tuuraan Mengistu Haile Mariam iyo Dergaha yimid Haile Selassie kadib, kana taliynayey Itoobiya 1974 ilaa 1987. Tigeyga waxaa ay xukunkooda Itoobiya heysteen  28 May 1991 ilaa  2018.

Tigrayga markii ay talada qabsadeen 1991-dii, waxaa ra’isul wasaare dalkaas ka noqday Meles Zenawi, isaga oo jagadaasi hayey ilaa uu ka geeriyooday 2012-kii, in kasta oo muddadaas uu hal xisbi ka talinayey hadana Itoobiya ma aheyn shuuci sida jabhadda ku bilaabatay ee waxaa ay u wareegeen xukun dimoqoraadi ah, oo xisbiyo badan, lehna nidaam federal ah oo qowmiyado ku dhisan.

Halganka Tigeyga:

Tigeyga waa qowmiyad dhib badan, oo xukun doon ah, Oromadan ayaa ku cusub ma ahee, waxaa ay xukunka Itoobiya isku heysan jireen waqti dheer qowmiyadda Amxaarada oo saldhigoodu ahaa Shawa, oo tusaale ahaan markii inta u dhaxeysay 1872 iyo 1889 uu xukunka qabtay YOHANNES IV( Yuhanaska 4-aad) oo Tigray ahaa, waxaa ay rajo soo gashay qowmiyadda, oo marka kale talada qabatay,  isuna diyaariyey maamul waqti dheer, laakin markii Yuhanas lagu dilay dagaaladii Mahdiyiinta ee Suudaan, waxaa talada dalka dib ula wareegay Amxaarada, iyada oo uu xukunka qabssaday Menelik II( Minilika 2-aad) kaas oo fadhugiisu ahaa Shawa, isaga oo markii dambe dhisay caasimadda Adis Ababa.

Dagaalkan cusub ee sanadkan jirsaday ee u dhaxeeya xukuumadda uu ka taliyo ninka Oromada ah iyo Tigrayga waxaa la rumeysan yahay in aanu istaagi doonin, oo Abiy Axmed inkasta oo hadda marar badan ku baaqay wada hadal laakin waa mar uu sanad waday xasuuq iyo bartilmaameedsiga qowmiyadda, taasi oo keentay in maalinba magaalo qasadaan, ilaa hadda ay Mareykanku sheegeen in xaaladdu Qatar tahay, oo aan dalka la isu safri karin, isaga oo uga digay dadkiisa.

Tigeyga keliya rajo kama qabaan xukunka,  ee waxaa uu sahlaya hankooda, waa kuwa ugu badan ee ku jira ciidamada qalabka sida ee Itoobiya, waxayna heystaan meelo badan oo dowladda ah, wayna u sahlan tahay in mar kale ay maamulka la wareegaan.

Goobjoog News