U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Kasoo Kordhay Heshiiskii Lagu Fasixi Lahaa Qaadka Kenya?

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inuu dib u dhacay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya  ee ku aadanaa dib u soo fasixitaanka Qaadka ee ka imaan jiray Kenya ee Soomaaliya loo iibkeeni jiray, kaas oo go’ay xilligii uu talada hayay madaxweynihii hore dalka Maxmed Cabdullaahi Farmaajo, kadib isfaham waa labada dhinac ah.

Wasiirka beeraha ee Kenya, Peter Munya ayaa laanta  BBC-da u sheegay in maanta aan la saxiixi doonin heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, isaga oo u sababeeyay inuu madaxweynaha Soomaaliya uusan ka qeyb galin shirka IGAD, kaas oo  waxaa dib loo dhigay saxiixa heshiiska labada dal, sida uu sheegay wasiirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa heshiiskaan halka lagu sixiixi lahaa tagin, waxaana uu safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, isaga oo sidoo kale ka gaabsaday inuu shirka tago Ra’iisulwasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre oo gali kara heshiisyada masiiriga ah ee dowladda federalka.

Madaxweyne Xasan ayaa shirka baladkiisa diray in ay Soomaaliya ku matalaan wafdi uu hoggaaminaayay Ra’iisulwasaare ku-xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed, kaas oo la ogaa inuu hogaaminaayay wafdigii Soomaaliya ku matalayay maxkamadda cadaaladda Adduunka xilligii kiiska Badda lada dal.

Bishii Juun ayay aheyd markii wasiirka beeraha Kenya uu shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay si heshiis looga gaaro in xayiraad ay Soomaaliya ka qaado Qaadkii Kenya ee ku dhoofi jiray Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda cadeyn mowqifkeeda Qaadka Kenya.

Soomaaliya ayaa hakisay qaadkii laga dhoofini jiray Kenya labo sannadood ka hor oo ay taariikhda ku beegnayd 19-kii Maarso, ee 2020, iyadoo sabab looga dhigayo xayiraadaha Covid-19. Hakinta ayaa si kastaba ha ahaatee, aan marna la qaadin kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.

Mamnuuciddaasi ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar, Soomaaliya ayaa xilligaa furtay suuqa Qaadka Itoobiya kadib heshiis isdhaafsi ganacsi ah sida dowladdu sheegtay.

Goobjoog News