U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya?

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulanka isuduwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socda, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023.
Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aassaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi lagu hormarinayo deegyada bulshada.
Xamse ayaa gabagabadii shirka  ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Al-shabaab oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay sida uu hadalka u dhigay.
Goobjoog News