U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Sheeko:Dalka

Senatorrada golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa ah:
1. Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

2. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrist Xogta.

3. Akhrinta Kowaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

4. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa meelmariyay dhowr Hindise Sharciyeed, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka Federalka.

Goobjoog News