U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobdo Mooshin Looga Keenay Wasiir Maareeye

Sheeko:Dalka

Qaar ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa mooshin ka gudbiyey wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye iyada oo lagu eedeeyey in warbaahinta qaranka uu ka sameeyey eex iyo sinnaan la’aan gaar ahaan marka ay jiraan doodaha hindise sharciyeedyada iyada oo warbaahinta qaranka ay sii deyso muuqaalada xildhinaanada taageersan xukuumadda.

Qoraal ka soo baxay xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ka muuqda saxiixa 11 xildhibaan, waxaa lagu soo bandhigay qodobo lagu cadeeyey sababta loogu yeerayo.

Nidaamkaas oo la sheegay inuu ka hor imaanayo dimiqoraadiyadda ayaa waxaa kale oo wasiirka wax laga weydiin doonaa:

  • Cadaalad la’aanta baahinta doodaha golaha shacabka.
  • Sababta aaney u soo gudbin doodaha waqtiga ku haboonaa
  • Sababta SNTV oo ah warbaahin qaran aan looga baahin doodaha oo dhameystiran

Wasiir Maareeye ayaa lagu wadaa inuu golaha hortago 15-ka bishan.

Goobjoog News