U bood dhigaalka

Akhriso: Saameynta Roobkii Ka Da’ay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa xalay illaa gelinkii dambe ee shalay ka da’ay roob saameyn ku yeeshay isku socodka magaalada iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa fariistay biyo kasoo rogmaday xaafadaha, waxaana sidoo kale jira jidcadayaal ay biyuhu xireen.

Dhanka kale, biyo badan ayaa ku rogmaday qaar kamid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sida kan sayidka oo ay biyo galeen iyo sidoo kale kuwo ku yaalla degmada Kaxda.

Qoysas badan ayaa xalay waaga u baryey iyaga oo biyaha dhextaagan, maadaama guryahooda oo markii hore ka sameysnaa cooshado ay biyuhu galeen.

Dadka barakacayaasha ah ayaa u baahan gurmad dhan walbo leh oo ay ugu horreyso bacaha roobka laga galo.

Dhanka kale, Maxamed C/laahi Tuulax oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir iyo xubno kale oo maamulka gobolka ka mid ayaa kormeer ku tagay degmooyinka Hodan, Howl-wadaag,Wadajir, Xamar Jajab iyo Dharkeenleey, waxaana ay u kuurgalayeen saameynta roobka uu ku yeeshay dadka shacabka ah.

Tuulax ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu saameeyey roobka saacadihii lasoo dhaafayey ka da’ayey magaalada Muqdisho.

Goobjoog News