U bood dhigaalka

Akhriso: Seddexda Weji Ee Wadaxaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Saaka waxaa Djibouti ka furmaya wada hadal ay garwadeen ka yihiin dalka Mareykanka, balse ay gogosha dhigtay Djibouti, goobjoogna ka tahay Adis Ababa, kaas oo maraya heerar kala duwan!

1. Furitaanka Shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, ra’isul wasaaraha Itoobiya, safiirrada Mareykanka, midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Sida ay Goobjoog News ogaatay qeybtan waa khudbado la xiriira iskaashi, amni iyo siyaasadda cusub ee geeska Afrika.

2. Maalinta xigta, waxaa loo gudbayaa wejiga 2-aad oo dhanka Villa Somalia waxaa wadaxaajoodka hor kici-doonna ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Guddoomiye Mursal iyo wasiir Sabriye halka Somalinad ay joogi doonaa 5 mas’uul oo ay ku jiraan guddoomiyaha golaha wakiillada, 4 wasiir iyo Edna Aden. Wejigan waxaa lagu xallin-doonnaa arrimaha siyaasadda sida deeqaha, hawada, fiisayaasha, iskaashiyo muhiim u ah labada dhinac.

3. Wejiga 3-aad ee ugu dambeeya waa midka ugu adag, oo dib ayaa loo dhigay, waa midka looga hadlayo mustaqbalka midnimada, waxaa wada fariisanaya “guddi farsamo” oo socda labada dhinac, oo ay ku jiraan khubaro, odeyaal, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka. Ujeedka ugu weyn waa doodda ah in laga hadlo 30 sano kadib halka geediga loo rarayo, ma jiraan wax hadaf kulmiya, taas oo dan u ah waqooyi iyo Koonfur.
Goobjoog News