U bood dhigaalka

Akhriso: Sharciyadii Lagu Ansixiyay Golaha Aqalka Sare Kalfadhigii Labaad

Sheeko:Dalka

Senatorrada golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo xiray Kalfadhigiisii labaad, iyadoo golaha intii fadhigaas lagu jiray uu ansixiyay dhowr sharci, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya soo meel-mariyay.

1: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 24kii-March2023,  waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 27-aad waxaa ay ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda amniga Xukuumadda Federalka.

2: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 17- March 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad ay ku ansixiyeen  hindise sharciyeedka Dhowrista Xogta, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda amniga xukuumadda Federalka.

3: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 17- March 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka  Socdaalka Soomaaliyeed, kaas oo golaha shacabka ay soo ansixiyeen, waxaana soo gudbisay wasaaradda duulista hawada.

4: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 17- March 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka  horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed, isaga oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dekadaha.

5:Golaha qalka sare 14-March2023, ayaa waxa ay  Kalfadhigii labaad kulankiisa 24-aad ku ansixiyeen xubnaha Aqalka sare ku matalaya Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista iyo Hirgel;inta  Dastuurka, waxaana soo gudbisay wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

6: Golaha qalka sare 11-March2023, ayaa waxaa ay Kalfadhigii labaad kulankiisa 23-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan Gelinta Dadweynaha, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, federalka iyo dib-u heshiisiinta Soomaaliya.

7: Golaha qalka sare 11-March2023, ayaa waxaa ay Kalfadhigii labaad kulankiisa 23-aad ay ku ansixiyeen hindise sharciyeedka, Dhowrista Maalgashiga Iyo Maalgashatada, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda Qorsheynta iyo Hormarinta dhaqaalaha, isaga oo kasoo gudbay golaha shacabka.

8: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 8-March2023, waxaa ay  kalfadhiga labaad kulankiis 21-aad ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, kaasoo ka gudbay golaha shacabka , waxaana soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federalka.

9: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 8-March2023, waxaa ay  kalfadhiga labaad kulankiis 21-aad ku ansixiyeen hindise sharciyeedka Nidaam maaliyadeedka Kheyraadka Dhulka Hoostiisa, kaas oo hare uga soo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbay wasaaradda Macdanta iyo Kheyraadka.

10: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 19-ka February 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 13-aad, ku ansixyeen hindise shaciyeedka Korontada Qaranka, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, iyadoo ay soo gudbisay wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

11:: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 22-ka February2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 15-aad ku ansixiyeen hindise sharciyeedka hay’adda sirdoonka Qaranka, kaas oo hore uga soo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda amniga Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

12: Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka ayaa 28-kii February 2023, waxaa ay kalfadhiga labaad kulankiis 17-aad, waxaa  ku ansixiyeen hindise sharciyeed cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman, kaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, waxaana soo gudbisay wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Sharciyadaan waxaa inta badan soo wada ansixiyay  labada Aqalka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay oo uu  saxiixay  Sharciyada kala ah:  Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka Qaranka , Hindise Sharciyeedka Koroontada Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta maaliyadeed ee Cayiman, Sharciyada.

Goobjoog News