U bood dhigaalka

Akhriso: Shuruudaha Murraxiinta Madaxweynaha Looga Baahan Yahay

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada madaxweynaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo saaray shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya madaxweynaha inuu soo gudbiyo, waxaana lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddomiyaha guddiga.

Shuruudaha musharraxiinta laga doonayo oo dhowr ah ayaa waxaa ku jira in qofka laga rabo warqadda codsiga musharraxnimo, midda aqoonsiga ee ID-da, ama Baasaaboord-ka iyo warqadda cadeynta buuxinta shuruudaha.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa ku jira warqada caddeynta lacag qabashada iyo tan aqbalaada iyo u hoggaansamida natiijada doorashada, musharraxa kasoo baxa ayaa heli doona shaadada musharaxnimada xilka madaxweynaha.

Diiwaangelinta musharraxiinta madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda  ayaa barri ka bilaabanaysa magaalada caasimadda Muqdisho, waxaana doorashadu qabsoomaysaa 15-ka bisha May 2022-ka oo ah marka loo asteeyay.