U bood dhigaalka

Akhriso: Soomaaliland oo Maanta Diiwaan Gelisay Tiradii ugu Yareyd oo Coronavirus Ah

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas aad uga yar kuwii maalmihii la soo dhaafay ay shaacinayeen waana caabuqa sida adag dunida u saameeyay ee COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  2 qof oo cusub uu cudurka soo ritay,  iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 10 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 11 qof.

Sidoo kale Deegaannada Soomaaliland ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa xanuunka ugu geeriyooday shaqsi 65-sanno jira haa kaas oo ku noolaa magaalada Boorama.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurka Coronavirus laga diiwaan geliyay kiisas kor u dhaafaya 100 kiis.

No photo description available.

Goobjoog News