U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Xuseen Ceelaabe Faahiye oo horay u soo noqday xildhibaan, soona qabtay dhowr wasaaradood.

Tan iyo xiliggii dowladdii Siyaad Barre waxaa uu ku caan ahaa wasaaradda qorsheynta, wasiir ayuu marar badan ka noqday iyo sidoo kale la-taliye.

Burburkii kadib, waxaa uu madax ka ahaa guddiga loo saaray arrimaha dastuurka, xilligaas waxaa dalka joogay ciidamada ka socday Qaramada midoobey.

Shirkii Carte ee dib u heshiisiinta iyo dhismihii dowladda Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa uu xukuumaddii Xasan Abshir ka noqday wasiirka iskaashiga caalamiga ah.

Shirkii Mbagathi ee Kenya kadib, waxaa uu ahaa xildhibaan, waxaa kale uu wasiirka agoonta iyo naafada ka noqday xukuumaddii Cali Geedi, isla xukuumaddii Geedi markii ay dib u soo noqotay waxaa uu mar kale ka noqday wasiirka qorsheynta.

Xukuumaddii ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu ka ahaa wasiirka dalxiiska, warshadaha iyo ganacsiga.

Ugu dambeyntii waxaa uu 2009-kii, xukuumaddii ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka dib u dhiska

2017-kii, waxaa uu u tartamay kursiga aqalka sare, laakin waa looga adkaadey.

Goobjoog News