U bood dhigaalka

Akhriso: Ujeedka Safarka Farmaajo Ee Adis Ababa Iyo Midka Kheyre Ee Dooxa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta booqday caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.

Farmaajo marka uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Bole waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Wadahadallada ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha iyaga oo sidoo kale isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka.

Dhanka kale, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u kicitay dalka Qatar iyada oo la sheegayo inuu halkaasi ku aaday arrimo la xiriira mashaariic.

Labada mas’uul ayaa dalka ka maqan xilli ay dowladda dhexe xiriirka u jareen dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmumudug, waxaa kale oo walaac badan laga muujinayaa faragelinta dowladda dhexe ee doorashooyin la filayo Galmudug iyo Jubbaland.

Keliya ma qasna xaaladda gudaha, ee gobolka gaar ahaan Kenya ma fiicna xiriirka ay la leedahay Muqdisho, oo bilihii ugu dambeeyey waxaa dhacday iney Kenyaanka qaadaan talaabooyin ay ka mid tahay iney culeys saaraan fiisaha diblomaasiga ah, waxaa ay wareejiyeen diyaarihii toos u tagi jiray Nairobi oo hadda mara Wajir, waxaa kale oo la diiday xamuul aan cidna la socon in laga diro Soomaaliya.

Goobjoog News