U bood dhigaalka

Akhriso: Xaaladihii Ugu Dambeeyay Dagaalka Ka Socda Sudan

Sheeko:Caalamka

Dagaalka ka socda wadan Sudan ayaa noqday mid aad u qaraar, waxaana Jugta madaafiicda culus  aroornimadii Saakay oo Axadda ah laga maqlayay Omdurman, oo kaabiga ku haysa magaalada Khartoum, iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee  badda cas.

Dadka deggan Khartoum ayaa BBC-da u sheegay inay argagax iyo cabsi ku dhacday iyadoo mid ka mid ah uu tilmaamay in rasaas lagu soo riday guriga deriska la ah, Labada dhinac ayaa midba sheeganaya inuu gacanta ku hayo xarumaha muhimka ah, iyadoo mid waliba uu guulo ka sheegtay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Birmadka.

 56 qof ay la xiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Sudan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda Suudan ee Khartoum. Dagaalada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn, dagaalka ayaa sii faafaya wali.

Xooggaga Dacmu Sariic ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan saddex garoon, hooyga taliyaha ciidamada iyo madaxtooyada, hase yeeshee waxaa sheegashadaas beeniyay hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo u warramay telefishinka Al-Jazeera, xaaladda Suudan ayaa ah mid dunidu ka walaacsan tahay.

Labada janan, ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga, Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan.
Goobjoog News