U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Kordhisey Weerrada Ka Dhanka Ah AMISOM iyo Ciidamada Dowladda

Sheeko:Amniga

Tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacey saldhig ay ciidmada AMISOM ku lahaayeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn warshadii hore ee dharka Balcad.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka madaafiicda qaar waxaa ay ku dhaceen xaafada Xaawo Taako ee degmada Balcad. Inta la xaqiijiyey labo qof ayaa ku dhaawacantay, waxaa ku jira oday iyo caruur aad u yar.

Dhinac kale, shalay gobolka Gedo Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidanka Kenya, kuwaasi oo kasoo baxay deegaanka Garilley, kuna wajahnaa dhanka Fafax-dhuun, waxaa halkaasi la dhashay khasaare badan.

Al-shabaab ayaa todobaadkan weerartay goobo ay fariisimmo ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, oo ay ku jiraan ceelasha biyaha iyo Dayniile, mana jirto weerar celis xagga dowladda ah.

Goobjoog News