U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Toogtay Rag Ay Sheegeen Iney Ka Tirsanaayeen DFS

Sheeko:Dalka

Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose waxay ku toogteen Afar qof oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen DFS.

Dadweyne laga soo bixiyey guryahooda ayaa la isugu keenay fagaarahan si ay u daawadaan raggan la tooganayo.

Ragga ay dileen Al-shabaab ayaa kala ah:-

1- Xasan Cismaan Cali (Abayle) waxay ku sheegeen inuu ka tirsanaa ciidanka DFS ee degmada Baraawe ku sugan, lagana yaqaano degmadaais.

2- Xuseen Xasan Geelle, waxay sheegeen inuu ka mid ahaa ciidanka DFS, ayna ka qabteen deegaanka Dacaraha oo ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

3- Ayuub Xasan Buraale, waxay Al-shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka degmada Kuntuwaarey, una magacawnaa dhirta iyo daaqa.

4- Xasan Maxamed Faarax, isna waxay ku sheegeen Al-shabaab inuu ka tirsanaa ciidanka DFS,lana qabtay isaga oo ku socday degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay fagaarayaal ku yaalla meelaha ay ka taliyaan ku toogteen dad ay sheegeen iney la shaqeeyaan DFS.

Goojboog News