U bood dhigaalka

Amb Nicolas Berlanga oo Ra’isulwasaare Kheyre Kala Hadlay Xorriyadda Saxaafadda

Sheeko:Dalka

Nicolos Berlanga  u qaabilsanaha midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Kheyre oo ku wada hadlay qaadka internedka ee vedio conference, ayaa ka wada hadlay xorriyatul qawlka, madax bannaanida saxaafadda xorta ah iyo sidii beesha caalamka ay Soomaaliya uga taageeri la hayd ka hortagga cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Amb Nicolas ayaa sheegay in xarigga wariyaasha iyo la dagaalanka madax bannaanida hadalka aysan noqon doonin cudur kaloo saf mar ah sida uu hadalka u dhigay.

“Dhaliisha waa qeyb ka mid ah geedi socodka dimuquraadiyadda, xanibaadda xorriyatul qawlka, ma noqon karto cudur kaloo saf mar ah, haddii wariyayaasha ay xogta qaldaan xabsiga iyo xanibaaddu ma ahan tallaabadii ku haboonayd” ayuu yiri Nicolas Berlanga.

Hadalka Nicolas Berlanga ayaa ku soo aadaya xilli 14-kii bishaan dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabtay wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Media Group, iyada oo dowladdu aysan si toos ah uga hadlin xarigga wariye Cabdicasiis Gurbiye oo 18-kii April  lagu sii daayay damaanad.

2-dii April 2020 hay’adda NISA ayaa barteeda Twitterka waxa ay ku soo qortay hadal u muuqday hanjabaad oo ka dhan ahaa wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan warbaahinta VOA laanteeda Afka Soomaaliga, waxaana NISA ay qoraalkeedaas ku sheegtay in shaqsi ka tirsan dowladda uusan wax xog ah siin karin wariyahaasi.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa ay garoomada ciyaaraha ka mamnuucday warbaahinta Goobjoog Media Group oo ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan, mana jirto sabab ay dowladdu ku sheegtay in warbaahintaas looga joojiyay garoomada ay ka soo tabinaysay ciyaaraha si ay ugu adeegto bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale ciidanka booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad ayaa 20-kii April 2020 waxa ay magaalada Muqdisho jirdil ugu geysteen wariyayaal ka shaqeynayay warbaahinta Shabeelle kuwaas oo ku sii jeeday hoygooda waxaana wariyayaashaasi lagu haystay bandow ay dowladdu soo rogtay oo habeenkii ah kaasi oo horey taliska boolisku ay ku sheegeen in bandowgaasi uusan saameyn ku yeelan doonin saxaafadda.

29-kii March 2020 wariyayaal ka tirsan warbaahinta Goobjoog oo ku guda jiray howllo shaqo ayaa waxaa is hor-istaag ku sameeyay ciidan ka tirsan dowladda kuwaas oo kala wareegay qalabkii ay ku howlgalayeen, waxaana muddo saacado ah ay ku xayirnaayeen saldhig ciidan.

Isla bishaas 10-keedii waxaa hakad iyo qashqashaad la galiyay wariyayaal ka tirsan Mustqbal Radio oo gudanayay howllahooda shaqo waxaana xayiraad u geystay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ururada u dooda saxaafadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay walaac ka muujinayeen tacadiyada kala duwan ee loo geysto wariyayaasha iyo sida xukuumadda Nabad iyo Nolol ay u maamusho xogta.

Waxaa haatan gacanta dowladda ku jira wariya Maxamed Cabdiwahaab Nuur Abuuja oo ka mid ah wariyayaasha Soomaaliyeed ee ka howlgalla magaalada Muqdisho waxaana in ka badan 40 cisho uu u xiran yahay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, waana qeyb ka mid ah tacaddiyada ay dowladda federaalka kula kacdo saxaafadda xorta ah.

Dhinaca kale waxaa sanad iyo maalmo u xiran xukuumadda Soomaaliland wariye Cabdimaalik Coldoon oo u olo’oleeya dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyada oo hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ay ugu baaqeen Soomaaliland xorriyad siinta wariya Coldoon.

Inta badan wariyayaasha ka howlgalla magaalada Muqdisho ayaa ka cabta inaysan awood u helin su’aal weydiinta masuuliyiinta ka tirsan dowladda iyo in xafiisyada dowladdu ay u soo diraan warar faaf reeban.

Goobjoog News