U bood dhigaalka

Antony Blinken: Waxaan Kordhineynaa Liiska Cunaqabateynta Fiisayaasha

Sheeko:Amniga

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu kordhinayo tirade dadka ay Washington kusoo rogtay cunaqabateynta xagga safarada ah.

“Mareykanku,  waxaa uu si aad ah u taageersanyahay shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay ugu adagyihiin dimoqoraadiyadda. Waxaan aan ballaarinayaa shakhsiyaadka Soomaalida ah ee laga xayiray fiisayaasha kuwaas oo meel uga dhacay hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliyeed” ayuu intaa raaciyey Blinken.

Hadalkan ayaa imaanaya maalin uun kadib markii wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André in kadib dhaca jawdalka doorashada ee March 15 kadib ay dalkiisa magacyo cusub ku dari doonaan liiska dadka laga xayiray inay u safraan dalka Mareykanka.

Safiir André oo arrintan ka hadlayo ayaa waxaa uu yiri “ Xayiraadaha dal ku galka waxaa sidoo kale sabab u ah oo keenay muddada ay doorashada u waqtiyeeyeen Golaha Wadatashiga Qaran. Markii muddeynta Golaha Wadatashiga Qaran ee (25 Febraayo) la tixgelin waayey, meel ayaan ku qorannay waxaana xayiraado dal ku gal ah la saaray shaqsiyaad dhowr ah. Haddii muddeynta kale ee Golaha Wadatashiga Qaran ee (15 Maarso) aan la tixgelin, waxaan mar labaad ayaan meel ku xusi doonnaa iyadoo magacyo la raacin doono liiska dadka laga xayiray inay u safraan dalka Mareykanka”.

Goobjoog News