U bood dhigaalka

Askari Lagu Dilay Kaaraan iyo Ciidanka oo Qabtay Qaar Kamid ah Kooxdii Dilka u Geysatay Marxuumka

Sheeko:Dalka, War

Warar kale duwan ayaa waxaa laga helayaa dil maanta askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo maanta kooxo hubeysan ay ku dishay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan suuqa lagu iibiyo Qaadka ee ku yaalla xaafadda Xaliimo Heyte, sida uu Goobjoog u sheegay mid kamid ah dadka Goobjooga ahaa.

Qofka waxaa uu sheegay in askariga ay dileen dableyda dishay ay ka koobnaayeen sedex ruux, waxaana uu sheegay in ay ciidanka ammaanka degmada ay qabteen laba kamid ah kooxdii dilka fulisay, isaga oo intaas raaciyay in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Milatariga.

Halkaan Ka dhageyso codka

Goobjoog News