Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), ayaa ka mid noqday masuuliyiinta dowladda ee maanta codkooda ka dhiibtay doorashada goleyaasha deegaanka ee ka socota magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu markii ugu horraysay codkiisa dhiibanayo.