1 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Maxay ka wada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaana kulanka goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Shiikh Muxudiin iyo la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha.
1 daqiiqo Sheeko:Warar & Warbixino Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga maamul wanaagga Maaliyadda Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.
1 daqiiqo Sheeko:Madaxweynaha 10-aad Madaxweynaha JFS oo khadka Telefoonka kula hadlay dhiggiisa Aljeeriya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Xogo hordhac ah oo laga helay xubin ka tirsan mucaaradka Tanzania oo dhowaan meydkiisa la helay Baaritaan bilow ah oo lagu sameeyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka dalka Tanzania ayaa lagu ogaaday in la garaacay oo lagu shubay aashito, sida uu sheegay xisbigiisa.
1 daqiiqo Sheeko:Aqalka Sare Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare oo guddoomiyay Kulanka guddiga dib u heshiisiinta iyo xariirka dowlad goboleedyada Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kulanka ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 16 oo ku dhintay weerar ay Israa’iil ka fulisay gudaha Suuriya 7gu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerar gantaallo ah oo ay Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Suuriya sida ay sheegtay warbaahinta ay maamusho dowladdu.
2 daqiiqo Sheeko:GARSOORKA DALKA Muhiimadda fursad siinta garsoorka Garsoorku waa hannaan lagu kala saaro dulmanaha iyo dembiilaha, cidda gar leh iyo cidda gardarrada ku socata, qofka xoolaha iska leh iyo midka xoogga ama xeeladda uga boobaya, iyo guud ahaan ismaan-dhaaf kasta oo dadweynaha ka dhex aloosma.
1 daqiiqo Sheeko:Wararka Caalamka Ugu yaraan 24 oo ku geeriyooday dhul-go’ ka dhacay dalka Vietnam. Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay, halka ay 299 kalena ku dhaawacmeen Vietnam oo ay ka dhaceen dhul go’ iyo daadad ka dhashay duufaan lagu magacaabo Yagi oo meelo dalkaas kamida ku dhifatay.
2 daqiiqo Sheeko:Arrimaha Ganacsiga Waa maxay halis ay wajahayaan ganacsatada aan ku jirin ceymisku? Soomaaliya waxaa ku badan dabka suuqyada iyo goobaha ka ganacsiga qabsada, kaas oo sababa khasare hantiyeed oo baaxad leh, ayadoo ay suurta-gal tahay in ganacsato badani ay ku tacab beelaan
1 daqiiqo Sheeko:War Dab ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Waaberi wax ka ogow khasaaraha ka dhashay Dab xooggan oo khasaare baaxad leh sababay ayaa qabsaday goob ganacsi oo maqaayad ahayd, taas oo ku taalla degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliiska, waxaana ka dhashay baaba’ hantiyeed oo xoog leh.