Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha saldhigga u ah khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xarriiqay qodobka ugu weyn ee ay labada dhinac isku hayaan.