Waddooyinka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, oo markii hore la ciir ciirayay lo’da, dameeraha iyo ariga buux dhaafiyay, ayaa haatan u muuqda kuwo isu beddelay goobo lagu dhaqdo geel, meel kasta oo magaalada kamid ah waxaa kaaga hor imaanaya xayn geel ah oo aan cidina wadin, kuwaas jidadka waaweyn iyo xaafadaha magaalada dhex wareegaya