Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar, iyo Taliyaha Ciidanka Turkisom, Ganeraal Sebahattin Kalkan, ayaa maanta gaarey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo halkaas ku sameeyay kormeer iyo kulan la xiriira xaaladda amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.