Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ), Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa maanta Muqdisho ku soo dhaweeyay, isla markaana kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Austria, Mudane Gernot Maier, iyo wafdi uu hoggaaminayay.