Ugu yaraan 20 qof ayaa la sheegay inuu khasaare naf oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiraahi ka soo gaaray dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Sool, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah iyo saraakiil ka tirsan maamulka Waqooyi Bari.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay dil saaka loo geystay nin qaad-wale ahaa oo ka howlgalayay aaggaasi, taas oo si degdeg ah u dhalisay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray maleeshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo deegaanka wada dega.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 20 qof ay soo gaareen khasaare naf oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo tirada dhimashada iyo dhaawaca ay weli is beddeli karto maadaama xogaha rasmiga ah aan si buuxda loo xaqiijin.
Saraakiil ka tirsan dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda deegaanka ay haatan deggan tahay, kaddib markii la kala dhex galay dhinacyadii dagaallamay.
Dhanka kale, saraakiishu waxay xaqiijiyeen in ciidamada ammaanku ay xabsiga dhigeen dad la sheegay inay ka tageen magaalada Laascaanood kuwaas oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay sii huriyaan xiisadda ka dhalatay dhacdada.