Axmed Madoobe Oo Muqdisho Soo Gaaray
				Sheeko:Arrimaha Amniga			
			 
		Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah shacabka caasimadda.
Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho kaga Qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka.
 
 