U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Uk, Sweden iyo Netherland Kala Hadlay Sidii Loogu Gurman Lahaa Dadka Abaaraha Saameeyeen

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa kulan looga hadlayay xaaladda abaaharaha dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa la qaatay safiirada dalalka Uk, Sweden Netherland iyo wakiilada hay’adaha gargaarka ee dalka ka howl gala.

Axmed Madoobe ayaa kala hadlay danjirayaasha sidii gurmad deg deg ah loogu sameyn lahaa dadkii ay wax yeeladu ka soo gaartay abaaraha ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulanka oo u qabsoomay hab fogaan arag ah ayaa sidoo kale leysla soo qaaday sidii loo xoojin lahaa gurmadka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo uu kulanka dhankiisa ku wehlinayay wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland ayaa kulan leysku afgartay sidii loo sameyn lahaa qorsho xal looga gaara abaaraha soo noqnoqda.

Jubbaland ayaa ka mid ah deeganada ay sida lixaadka leh u saameysay abaarta ku dhufutay qeybo ka mid ah gobalada dalka.

Goobjoog News