U bood dhigaalka

Ayax Ku Degay Gobolka Bokol

Sheeko:Dalka

Ayax ayaa saaka Waabarigii ku degay beero ku yaalla degmada Xuddur ee gobolka Bokol, kaas oo soo gaaray  shalay gelinkii dambe, waxaana uu dhibaato ka sameeyey beerihii uu ku degay isaga oo baabi’iyey dalagyadii la beeray.

Isuduwaha Wasaaradda Beeraha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa ayaa tilmaamay in  Ayaxa uu saameen ba’an ku yeeshay dalagii ka soo go’i laha beeraha oo dhowaan la tabcay.

Maamulka gobolka Bakool oo kormeerey  beeraha maanta uu ku degey Ayaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa fariin u direy madaxda dowladda dhexe, kuwa Koonfur Galbeed iyo Hey’adaha caalamiga ah, si wax looga qabto Ayaxa.

Ayaxa ku degay gobol Bokol ayaa sidoo kale waxaa uu  sidoo kale horay uu soo saameeyey gobolo badan oo dalka ah sida Somaliland, Puntland Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo saameyntiisa lagu arkayo dhul badan.

Goobjoog News